Calendar

Booliiska Holland oo Xabsiga dhigay 12-qof oo Soomaali ah (VIDEO)

pirhayatiBartamaha (Netherland) Booliiska wadanka Holland ayaa gacanta ku dhigay dhowr qof oo soomaali laga shakiyay ah.

Booliska wadanka Holland ayaa shaaca ka qaaday inay xireen 12 nin oo Soomaali ah oo looga shakiyey inay ku lug lahaayeen arimo amaanka wax yeelaya oo ay ka fulin lahaayeen gudaha wadankaasi.

Saraakiisha Booliska waxay sheegeen in 12 nin ay xereen markii xiriiradooda telfonka shaki laga qaaday taasi oo ay ku mutaysteen in Xabsiga loo dhigo.

Booliiska oo soo saaray qoraal ay raga la qabtay uga hadleen waxa ay sheegeen in ay yihiin kooxo laga shakiyay oo doonayay abaabul qarax ama waxyeelo kale oo gudaha dalkaasi laga gaysto.

Ma jirto wax war ah oo intaa ka baxsan oo laga hayo xariga 12 ruux ee Soomaalida oo haatan lagu hayo xabsi ku yaala magaalada Rotterdam, iyadoo uu sookordhayo walaaca iyo welwelka haysta dadka Soomaalida ee ku nool wadankaasi.

Soomaalida ayaa marar badan dalkaasi lagu xeray waxaana la xasuustaa dhamaadkii 2009 in dhowr qof ay dowladaasi go’aansatay in ay u tarxiisho gudaha dalka ay ka yimaaden ee soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Diaspora, Wararka Maanta.
« »

Comment: