Calendar

Dad badan oo ku waxyeeloobay dagalada Galgaduud

Dagaalo beeleedyo ayaa ka dhacay goboladda dhexe ee Soomaaliya kaas oo dhaliyey khasaaro naf iyo maalba iskugu jira.

Inta la ogyahay dad gaaraya 40-ruux ayaa dhimatey, in ka badane way ku dhaawacmeen, dagalada oo ka dhacay deegaanka  deegaanka Baal-Dheere ee u dhow degmada Ceel-Garas.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhashey dhul daaqsimeed iyo ceelal halkaas oo dadka deegaanka isla dagan ay isku maandhaafeen sida loo wada isticmaalayo.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku tilmaamtey wax laga xumaado dagalaada oo u tacsiyeysay eheladda dadka ku waxyeeloobay iyadoona ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo.

‘’ Waa dagaal naxdin leh oo sababay qasaare nafeed,  waanu ku dadaaleynaa sidii aan gacan uga geysan laheyn dhameynta colaadaasi, anagoo ugu baaqeyna waxgaradka deegaannadaasi in ay wax ka qabtaan deminta colaadaasi’’ ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

XIldhibaanada dowlada ee iyagane kazoo jeeda dadka dagaalka uu dhexmarayo ayaa sheegay iney wadaan howlo la doonayo in dagaalka lagu hor istaago inuu sii faafo.

Madaxweynaha maamulka XIbin iyo Xeeb Aadan Tiiceey ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay kala qaadaan maleeshiyaadka dagaalku dhex marayay, isla markaana ciidamo maamulkiisa ka socda inay joogaan goobihii lagu dagaallamay.

Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb waxa uu ku baaqay in aan la siyaasadaynin dirirta, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka oo aan qasaare mooyee faa’iido laga halaynin, isagoo sheegay in labada dhinac ay kala hadleen in wada xaajood la furo.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: