read more »">
Calendar

Dawlada Turkiga oo Soomaaliya ugu deeqaysa lacag dhan 506.9 million

bekir-bozdgaDawlada Turkiga ayaa Soomaaliya ugu deeqaysa lacag dhan 506.9 million si waddanka Soomaaliya looga fuliyo mashaariic ballaaran.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in ujeedka deeqdan uu yahay in Soomaaliya ay u suuragasho inay markale cagaheeda isku taagto.

Dawlada Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay inay ka caawinayso Soomaaliya adkeynta ammaanka iyo dib u dhiska haya’daha amniga kaddib markii Al-shabaab ay weerarro la beegsaday shaqaalaha Turkiga ah ee samafalka u jooga Soomaaliya.

Turkiga ayaa sheegay inuu tababarro siinayo ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda Soomaaliya si ay uga hortagaan falalka Qaranka ah ee ay ka geysanayso Al-shabaab magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay sannadkii 2010 kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in labada dal ay iska kaashadaan tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya taasoo baarlamaanka Turkiga uu meel mariyay bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay, halka baarlamaanka Soomaaliyana uu ansixiyay bishii July ee sannadkan.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: