Calendar

Gudoomiyaha gobolka Mudug oo sheegay inuu xumaaday xiriirkii iskaashiga amniga ee u dhexeeyay Puntland iyo Galmudug

Gud.G.MGuddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo maanta la hadlay warbaahinta Magaalaad Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada ammaan ee Magaalada Galkacyo iyo Xiriirka ka dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo midka Puntland gaar ahaan dhinaca iskaashiga amniga.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay inuu sii xumaaday Xiriirka wada shqeynta dhinaca amaniga ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland kadib markii uu sheegay in Dad badan oo falal amaan darri ka soo gaystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay u soo baxsadeen dhinaca Koonfureed uu ka taliyo Maamulka Galmudug isagoona sheegay in Maamulka Galmudug ay arrimahaasi marar badan kala hadleen isla markaana ay ka siiyeen jawaab waadix ah.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa waxaa uu xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin in wax waliba oo lagu xalinayo ammaanka Magaalada Gaalkacyo ay ogolaan doonaan isla markaana ay Maamulka Galmudug kalashaqeyn doonaan waxaana uu ugu baaqay Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug in arrintaasi ay wax ka qabtaan isla markaana laga wada shaqeeyo dhinaca amaanka maadaama mudooyinkii Dambe ay jireen falal amaanka liddi ku ah oo ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii ugu dambeeyay faraha kabaxay taasoo keentay in maamullada Galmudug iyo Puntland ay eedaymo is waydaarsadaan iyadoo uu dhinac walba kan kale ku eedaynayo inuusan wax ka qaban falalka ammaanka wax u dhimaya.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: