Calendar

Dr.Cumar Iimaan hogaamiyaha Kooxda Xizbul Islaam ayaa digniin u diray ciidamada Itoobiya ee soo galay Hiiraan.

drcumar-iimaanBartamaha (Muqdisho):-Gudoomiyaha Kooxda Xizbul Islaam Dr.Cumar Iimaan Abuubakar oo manta warfidiyeenada la halayay ayaa si kulul u canbaareeyay soo galitaanka ciidamada Itoobiya oo shalay soo buuxiyay deegaanka Kalabayr ee gobolkaasi Hiiraan.

Dr.Cumar Iimaan ayaa waxa uu digniin culus u jeediyay ciidamada Itoobiyaanka ah ee haatan soo galay dalka kuwaasi oo uu tilmaamay in ay jab kala kulmi doonaan sii joogitaankooda deegaanka Jawiil.

Hogaamiyaha kooxda Xizbul Islaam ayaa tilmaamay in aanay sii jridoonin dagaalada soomaalida ay iskula jeedo haddii cadow ka xoog badan uu yimaado dalka gudihiisa.

Dr.Cumar ayaa dhanka kale sheegay in muddo kooban ka dib ay la dagaalami doonaan askartaasi dalkooda xooga ku soo gashay isagoo tilmaamay in ay dagaal xoogan ay ku jabin doonaan ciidamadan haatan u soo jeheestay xagga Gobolka Hiiraan .

Soo galitaankii shalay ee ciidamada Itoobiya ayaa ka qeyla siisay kooxa badan oo xilli lug ku lahaa la dagaalanka kooxahan haatan dalka soo galay oo ah askarta dowlada Itoobiya oo muddo kooban ka hor dalka isaga baxay kuwaasi oo aan xuduudaha dhaafin.

Xarunta Wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.Com.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: