Calendar

Alshabaab oo maanta maamul cusub oo hal dhinac ah u samaysay Magaalada Jowhar.

alshabaab1Bartamaha News(Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa manta waxa ay si rasmi ah ay ugu dhawaaqday maamul ka howlgalaya Gobolka ay dhawaan la wareegeen qeyba ka mida Ee Shabeelada Dhexe.

 

Maamulka alshabaab Sh.Dhexe ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay  Sheekh C/raxmaan Xasan Xuseen oo ahaa xili gudoomiye ku xigeenka maxkamadaha Gobolkaasi balse xilli hore ay isku dheceen maamulkaasi ka gadaal markii Alshabaab uu ku biiray wadaadkaasi.

 

 

Kulan ka dhacay manta gudaha magaalada Jowhar ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mida odayaasha deegaankaasi oo lagu casuumay magacaabista Gudoomiya ama Wakiilka Wilaayada Alshabaab Ee Shabeelada Dhexe iyadoo si rasmi ah uu xilkaasi uu ugu dhawaaqay Sheekh Cali maxmed Xuseen oo ah wakiilka Alshabaab ee gobolka Banaadir oo gudoomiye u magacaabay masuulkaasi ay wataan kooxda.

 

Ma jirin wax war ah oo ay manta kulanka maghacaabidda ah ay ka jeediyeen duqowda deegaanka ee lagu casuumay taasi oo shaki galinaysa in ay ku qanacsanyihiin maamulka aan la dooran balse manta ay magacaawdeen kooxda Alshabaab.

 

Wakiilka kooxda Alshabaab maanta loogu xilsaaray gudoomiyaha gobolkaasi Shabeelada dhexe ayaanan la ogayn qaabka maamulkiisa uu u soo dhisi doono maadaama gobolkaasi ay isla joogaan raga ay maalmahan ay wada shaqeynayeen oo ka mida ah Kooxda Xizbul Islaam.

 

Deegaanada Shabeelada Dhexe ayaa haatan waxaa si rasmi ah u wada jooga kooxaha Islaamiyiinta isdiidan iyo kooxda xizbul Islaam oo qeyb ka qaadatay gacan ku dhigista Jowhar iyo Mahadday.

 

 Xarunta Warbaahinta  www.Bartamaha.Com

 

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: