Calendar

Farah Macalin oo booqday xafiiska Jaaliyada Puntland ee Nairobi.

DSC02555Bartamaha (Nairobi):- Guddomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dalka Kenya Farah Macalin ayaa booqday xafiiska Jaaliyada Maamulka Gobaleedka Puntland ee dalka Kenya kadib markii uu casumaad ka helay Jaaliyad Puntland ee ku dhaqan magaaladda Nairobi.

Booqashada mudane Farah ayaa imaneeysa kadib markii uu booqasho ku tagay bishii December ee sanadkii hore Maamulka Somaliland iyo Gobaladda Sool iyo Sanaad oo ah gobalo ay ku muransanyihiin Maamuladda Punland iyo Somaliland inkastoo xilligan ay maamusho Somaliland.DSC02540

Sidoo kalle waxaa xafladdan ka soo qeeb galay Guddomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Somalia Prof. Mohamed Cumar Dhalxa, Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalle iyo mas’uuliyiin kalle.

Ruqiyo Aadan, Sucaad Mohamed iyo Xildhaanad Caasha Axmed Cabdalle oo ka mid ahaa dadkii xafladda soo qaban qaabiyay ayaa mudane Faarah Macalin ka raali galiyay hadalo ooga yimid qaar ka mid ah shacabka reer Puntland markii booqashadii Farah uu ku tagay Gobaladda Sool iyo Sanaad oo ay hadda gacanta ku hayaan Maamulka Somaliland.DSC02531

“Farah Macalin Sool iyo Sanaag waxa uu u tagay xaqiiqo raadin ee dano kalle uma tagin” ayay tiri Ruqiyo Aadan oo hadal qiiro leh ka jeedisay goobta.

Dhanka kalle Sucaad Mohamed ayaa socdaalkii Farah ee Gobaladda Sool iyo Sanaag ku tilmaamay in uusan laheen booqasho uu Farah ku tagay Talaabiib oo ah Caasimada Israel balse ku sifeesay in uu Farah tagay dhul Soomaaliyeed.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalle oo iyadana goobta hadal ka jeedisay ayaa Farah Macalin ka raali galisay hadalo shacabka Puntland ooga yimid kadib booqashiidii Gobaladda Sool iyo Sanaag iyadoo kadibna ay Xildhibaanad Caasha Axmed iyo Dumar kalle oo reer Puntland ah ay Cumaamad raali galin ah huwiyeen Farah Macalin una cadeeyeeen in ay reer Puntland Farah Macalin ka gardanyihiin.DSC02529DSC02538

“Haddii gaf kaaga yimid Puntland waan kaa raali galineeynaa Farah Macalinoow” ayay tiri xildhibanad Caasha Axmed Cabdalle.

Ugu danbeentii hadal uu halkaasi ka jeediyay Farah Macalin ayuu sheegay in ay ku mahadsanyihiin Jaaliyadda reer Puntland raali galinta ay raali galiyeen isagoo hadalo guubaabo u badnaa halkaasi ka jeediyay.

Farah Macalin aya sidoo kalle sheegay in dhibaatadda Somalia ka jirta uu xalkeeda yahay wada hadal kuna tilmaamay in haddii la wada hadli lahaa ay dhibaatadda iska yaraan laheed.

Maamulka Somaliland iyo Gobaladda Sool iyo Sanaagba waxan u tagay sidii aan xaaladda meesha ay mareeyso u ogaan lahaa runtiina wax badan ayaan jeclahay in aan wax ka qabto xaaladda wax barashada oo aad u liidata.

Ugu danbeentiina xafladda ayaa ku dhamaatay jawi wanaagsan.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

xafiiska Bartamaha ee Nairobi-Kenya.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: