read more »">
Calendar

Faroole oo furtey Xisbi cusub – Sawiro

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqey xisbi cusub uu ka furanayo deeganadda Puntland.

Shir wayn oo ka dhacay magalada Garowe ayaa madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uga dhawaaqey xisbigii ugu horeyay ee laga dhiso deeganada Puntland kaas oo loo bixiyey Xisbiga Horseed.

Faroole ayaa in muddo ah waxa uu ku celcelinayay iney doonayaan iney sameystaan hab asxaabta si ay uga gudbaan habka ay hada lagu dhiso maamulka Puntland ee qabaa’ilka.

‘Maanta oo Arbaco ah waxaan ku dhawaaqney ururka xaakimka ah ee Dowladda Puntland ,waxaan aaminsanahay inay ku farxi doonto cid kasta oo Puntland joogta iyo Somalida wanaagsan jecel” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xisbigan cusub uu ka shaqeynayo nabadda, midnimada, sinnaanta iyo caddaaladda.

Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilowga sanadka cusub uga egyahay muddada xilka loogu talagay inuu hayo, mana cado sida ay haatan ku dhici karto doorasho ay dadweynaha soo doortaan madaxwenaha xigi lahaa iney ka dhici karto deeganadda Puntland.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: