Calendar

JENERAAL MAXAMED XUSEEN DAA’UUD ‘’XIIRANE’’ OO LAGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA LONDON

CIMG8024Waxaa galabta loogu qabtey magaalada London gaar ahaan xaafada Southall xaflad lagu soo dhaweynayay Jeneraal Maxamed Xuseen Daa’uud oo loo yaqaan ‘’Gen.Xiirane’’ oo booqasho gaaban ku soo gaarey dalka Ingiriiiska.

Xaflada waxaa ka soo qayb galey islamarkaana hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyay Ugaas Cumar Geelle Maxamed, Odey Cali Cabdulle Ismaaciil ‘’Cali Caymis’’, Dr.Cabdiraxmaan Cunaaye, Marwo Xaliimo Saalax Beer, Marwo Fadumo Maxamed Muumin iyo Marwo Fawsiya Cabdulaahi Nuur Xirsi

Jeneraal Xiirane ayaa kaga mahadceliyay dadkii soo qaban qaabiyay iyo kuwii ka soo qayb galeyba.

Jeneraal Maxamed Xuseen Daa’uud waxa u degan yahay dalka Mareykanka,wuxuu ku sii jeedaa dalka Soomaaliya todobaadka soo socda hadii Allah idmo, xaflada waxay ku soo dhamaatey sidii loogu talagaley .

W/D: CILMI JAAMAC XIRSI ‘’DHAGAWEYNE’’

LONDON

Comments

comments

Category : UK & Europe, Wararka Maanta.
« »

Comment: