Calendar

Koobka dhalinta cuslaatey oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Manchester.

Bartamaha (Manchester):- Waxaa magaalada Manchester lagu qabtey koob loogu magacdarey  Somali old boys oo ay soo qabanqaabiyeen ururka  dhalinyarada cuslaatey ee Manchester. koobka  waxaa ku tartamay kooxaha kale ah Allstars, Geeska Afrika, Alraxma iyo kooxda Siinaay.

Ciyaarahaan xiisaha badan ayaa waxay socdeen 31 July ilaa 8 Agoosto 2010, waxaana qabanqaabada tartankaan soo diyaariyay Gudoomiyaha Somali oldboys ee magaalada Manchester Axmed Sheegoow Bishaar, Macalin Xuseen Xuska, Mohamuud Geeseey ( Jeenyo),Abdulqaadir Cabdi Somali  iyo Macalin Laas ( Macalin Basketball)

Ciyaarta finalka waxaa iskugu soo harey kooxaha kale ah:

Kooxda Alrahma iyo Kooxda Allstars, guushiina waxay ku raacday kooxda Allstars oo 3 goal iyo 1 goal kaga badisay kooxda Alrahma.

Axmed Sheegoow iyo Xuseen Xuska  hadaan idin xusuusiyo waxay ahayeen labaduba ciyaartooydii  hore kooxda Horseed ( Cawa& Maalin ),koobkan dhalinta cuslaatey ayaa noqonaya koobkii ugu horeeyay ee lagu qabto magaalada Manchester balse la filayaa in sanadka soo socdana ay ka soo qayb galaan kooxo kale oo farabadan.

Tilaabada ay qaadeen ururka Somali Oldboy Manchester ayaa noqonaya mid ku dayasho mudan, waxaa rabaa inaan idin sheego in magaalada Manchester hore looga bartey inay caruurta Soomaaliyeed ugu qabtaan magaaladooda barnaamijyo dhaxal gal ah hadane in mar kale ay bilaabaan in dhalinta cuslaatey u qabtaan barnaamijkaan oo kale isla magaaladooda waa arin wanaagsan mudana in lagu dhirigaliyo.

Daawo Sawirada:-

sport 032

sport 007


sport 007

Gesey

sport 055


DSC00497

DSC00490

W/D:YUSUF YUSUF

Comments

comments

Category : Featured, The Story, UK & Europe, Wararka Maanta.
« »

Comment: