Calendar

Maamulka Alshabaab Baydhabo oo fuliyay Xukuno Qisaas iyo Tacsiir isugu jira.

tacsiir1Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Alshabaab ee magaalada Baydhabo ayaa garoonka kubada Cangta magaaladaasi ku filyay Xukuno Dil qisaas ah iyo Tacsiirba leh ka dib markii ay dad Baydhabo isugu keeneen Garoonka Dr.Ayuub Stadiom.

Maamulka Xarakada Alshabaab Ee Magaalada Baydhabo ayaa xukun Dil Qisaas ah waxa ay ku fuliyeen Xasan Cabdi oo ahaa nin horay loogu eedeeyay dilka walaalkiis kaasi oo ay xilli ay murmeen ka dib ku toogtay gudaha magaalada Baydhabo.

Ku xigeenka madaxa Garsoorka maamulka alshabaab Baydhabo ayaa sheegay in ninkaasi lagu helay dil bareer ah oo uu walaalkiis u geystay sidaana loogu xukumay Xukun dil qisaas ah .

Garoonka Kubada ee Dr.Ayuub ayaa si rasmi ah loogu fuliyay xukunkaasi dilka ahaa iyo Tcsiirta laba ruux oo kale kuwaasi oo ay ku jirtay haweeney lagu helay in ay gudaha baydhabo goob aan loogu tala galin ku iibinaysay qaadka kaasi oo horay meela gaar ah loo qorsheeyay.

Waa xukunkii labaad ee Qisaas ama Dil ah oo ay maamulka Alshabaab Baydhabo ku fuliyaan gudaha magaaladaasi taasi oo ay dadka deegaanadaasi soo dhaweeyeen maadaam ay yaraadeen dilalkii joogtada ahaa ee labadii qof ee muran soo kala dhexgalaba isku geysanayeen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: