Calendar

Markab laga leeyahay wadanka Sweden ayaa Dowlada Kenya ku wareejiyay Tiro dhalinyaro Buracad Badeed soomaaliyeed ah.

SOMALIABartamaha (Muqdisho):- Ciidamada Badda wadanka Sweden ayaa iska wareejiyay kooxo soomaali ay ku eedeeyeen burcad badeednimo kuwaasi oo ay muddo laba bilood ah ku hayeen xeebaha wadanka soomaaliya.

Markabkan oo ahaa nuuca dagaalka isla mar’ahaanaata laga lahaa wadanka Sweden ayaa dhawaanahan waxa uu gacanta ku hayay kooxo burcad badeednimo lagu eedeeyay kuwaasi oo ay ka soo qabteen xeebaha bari ee dalka soomaaliya.

Sargaal u hadlay ciidamada Badda wadanka Kenya ayaa war baahinta u sheegay in markab dagaal Sweden laga leeyahay uu si toos ah Kenya ugu wareejiyay ilaa 7-Dhalinyaro soomaaliyeed ah kuwaasi oo looga shakiyay howlo burcad badeednima ah.

Sargaalkan Kenyaanka ah ayaa sheegay in ay raga lagu wareejiyay ay ahaayeen kuwa noloshoodu aad u liidatay isla mar’ahaantaana ay baxnaana ku wadaan ka dibna ay maxkamad soo taagi doonaan.

Dhawaan ayaa saraakiil u hadashay Ciidamada Badda wadanka Sweden ay sheegeen in ay maxkamad dalkooda ku soo taagi doonaan dhalinyaro soomaaliyeed oo ay ka qabteen xeebaha dalka soomaaliya kuwaasi oo haatan ay isaga wareejiyeen.

Dowlada Fd soomaaliya ayaa horay sharci daro ugu tilmaamtay in dhalinyarada lagu qabto burcad badeednimada aan lagu maxkamadayn Karin meel ka baxsan dalka soomaaliya taasi oo marwaliba ay ciidamada shisheeyaha ah ay iska dhaga tiraan baaqyadaasi ka soo baxay dhanka maamulka dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: