Calendar

Macalimiin Dugsi Qur’aan iyo Culumaa’udiin loo qabqabtay Qarixii shalay ka dhacay Laas-Caanood.

somalilandBartamaha(Laa-Caanood):-Ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabadsugida Magaalada Laascaanood ayaa saaka iyo Xalay howlgalo ku qabqabtay Wadaado Dugsi Qur’aan iyo Culimaa’udiin.

Howlgalada ay Ciidamada ku dhaqaaqeen ayaa waxaa lagu xeray illaa 7-ruux oo u badan Arday iyo Macalimiin Dugsi Quraan kuwaasi oo Magaalada Laascaanood deegaan ahaan u daganaa.

Dadka reer Laas-Caanood ayaa waxaa filanwaa shalay ku noqday qarixii ka dhacay Magaalada kaasi oo ay ku la’deen Saraakiishii Magaaladaasi dhanka ammaanka u qeybsanayd.

Ma jiro Wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka ee Maamulka Somaliland balse dadka Magaalada ayaa waxa ay ka cabsi qabaan Xariga Wadaada iyo waxa ay dhalin karto.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: