Calendar

Madaxweynaha Banaadir State oo dowlada Soomaaliya eedeeye iyo arimo kale…

banaadir stateMadaxweynaha Maamulka Banaadir State Md Cabdulaahi Axmed Maxamed C/laahi Dheere ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo ay kamid tahay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay hanaankii Maamul usameynta Gobalada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii ay yihiin madaxda dawlad goboleydka Banaadir State ayaa Sheegay inay cambaareenayaan dilalka loo geeysanayo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay degmooyinka Xamarweyne iyo Dharkeylay Ee G/Banaadir.

Madaxweynaha Banaadir State Md Cabdulaahi Axmed Maxamuud Cabdulaahi dheere ayaa ugu baaqay Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay ka shaqeeyaan sidii loo dhaqangelin lahaa Dastuurka Federaalka ah ee  dalka u yaala, maadaama Wasiirada qaarkood ay ku tunteen Dastuurii dalka u yaalay.

Madaxweynaha Maamulka Banadir State ayaa dhanka kale sheegay in xubno ka tirsan maamulkaasi Dowladda Soomaaliya ay u xiran yihiin ayna ka xun yihiin tallaabada Dowladda ay ku caburinayso Muwaadiniinta iyo masuuliyiinta Maamulka Banaadir State.

Sidoo kale Cabdulaahi Dheere ayaa Sheegay in dowlada Soomaaliya ay ugu hanjabtay in la xiri doono Masuuliyiinta maamulka Banaadir State,oo ugu horeeyo isaga Sida uu sheegay cabdulaahi Dheere.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa ka hadlay shirka ka soconaya magaalada Muqdisho oo ay soo qaban qaabisay dowlada Soomaaliya,waxaa uuna Sheegay in dowlada ay ku fashilantahay Sugida Amaan Ee dalka.

Madaxweynaha waxaa  kaloo uu  sheegay in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaladda  Muqdisho  Jeneraal Muungaab uu lacag ku bixiyay in lasoo dilo madaxda Maamulka Banaadir State, sidii Kooxdda Al- Shabaab oo kalena rag uu u soo adeegsaday.

Masuuliyiinta Maamulka Banaadir State oo ah maamul lagu dhawaaqay dhismihiisa sanadkii 2011kii  ayaa hada caburin waxaa ku haaya Duqa magaladda Muqdisho jeneral xasan maxamed Nuur  Muungaab oo dhawaan loo magacaabay Gobolka Banaadir.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Latest Somali News, Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: