Madaxweyne Faroole oo booqday askar ku dhaawacantay dagaalkii Galgala.

Posted on Sep 6 2010 - 3:33pm by News Desk
Tweet
Pin It

mfarooleBartamaha (Addis-Ababa):- Madaxweyanaha Puntland ayaa booqasho ugu tagay qaar ka mid adhaawacyadii Cidianka oo lagu dabiibayo Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo Masuuliyiin la socotay ayaa waxa ay booqasho ugu tageen qaar ka mida dhaawacyada yaala Isbitaalada dalka Ethiopia kuwaais oo ka mida askartii ku dhaawacantay dagaalkii Galgala.

Madaxweyne Faroole waxa uu booqasho ugu tagay dhaawacyada yaala mid ka mida Isbitaalada Addis Ababa waxaana halkaasi uu ku soo gacan qaaday dhaawacyada askartiisa ah oo qaarkood ay liitaan.

Madaxweynmaha waxa uu u balan qaaday Dhaawacyada askarta ah ee ku waxyeelowdayt dagaalkii Galgala in aanu marnaba kala laaban doonin taakuladiisa iyo garab istaagiisa waxa uuna dhiira galin u nsameeyay qaar ka mida dhaawacyada liita.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]