“Tuug haduusan joogin aniga jaaketkeygii yaa qaatay” Sheeko Dhab ah oo Xiisa Leh.

Posted on Sep 7 2010 - 9:00am by News Desk
Tweet
Pin It

jaket-kulitBartamaha (Nairobi):- Hadda ka hor baa la sheegay in Nin Tuug weyn ahaa ay reerkiisa markii dambe kula taliyeen, inuu iska dhaafo howsha tuuganimda, ayna ku darayaan gabar, reerna u dhisayaan.

Tuugiibaa ka yeelay reerkiisa in loo dhiso gabar, waxaana sidaa loogu dhisay gabadhii, hase ahaate reerkiisii oo aan wali ku aamin qabin, baa si tijaabo ah,waxay u siiyeen guri alaab (agab) yar la dhigay, kaas oo ay uga dan lahaayeen bal in hadii uu soo iibsanayo alaabta gurigiisa iyo in kale ay eegaan.
Ninkii tuuga ahaan jiray baa maalintii dambe reerkiisii u qaraab tagay, waxa uuna u soo helay Loor (Jawaan) Bariis ah, jawaankii buu qolkiisii jiifka ah soo dhigay.
Habeenkii dambe baa tuug hoos ka soo galay, gurigiisa oo ka sameysnaa Jiingada (Jilay), tuugiibaa guriga markii uu gudaha u soo galay wax uu ka qaato ka waayay, marka laga reebo nin iyo naag isla jiifa oo qura, waxa uu is yiri war ninyahow adigoo gacmo maran haka dhaqaaqin meeshaan, waxa uu meesha ku arkay loorkii ama jawaankii bariiska ahaa.
Markaasuu furasho ugu dhaqaaqay,jaakeedkiisiina dhulka ugu fidsaday si uu ugu shubto kiilooyin bariis ah, laba sacab marka uu ku shubay jaakeedkiisa, ayaa ninkii guriga iska lahaa oo awalba dareensanaa, lana socday waxa uu sameynayo tuugga, ka soo jiitay, jaakeedkii, markaa buu barkintii uu ku jiiifay, hoos dhigtay.
Tuugiibaa isaga oo sacabkii sadaxaad gacmaha kuwa wada is yiri ku dul shub jaakeedka, haduu eegayba waxba ma yaalaan meesha, sheeko markay halkaa mareyso baa naagtiisii soo gadoontay oo aragtay tuuggan,qeylo dhaan iyo kicis bay u gashay, ninkeedii, “Alla tuug baa guriga ku jira..Caliyow”.
Ninkeedii baa isaga oo iska dhaga tiraya gacanta ku dharbaaxay, kuna yiri “Naa Naga seexo sheeko qarowgaan baa kugu nacee, tuug ma joogo meeshee”, tuugii oo naxdin la amakaagay, baa neef ka soo fuqday oo fikrad ka dhiibtay sheekada isku dhaceysa.

Markaas buu ku yiri ninka iyo naagtii uu u soo galay “Tuug haduusan joogin aniga jaaketkeygii yaa qaatay?” .

Qalinkii Maxamed Bashiir Midnimo