Calendar

Madaxweyne Xasan SH oo Maanta kala diray Gudigii Adeegga Garsoorka

hassan sheikh

Muqdisho (Bartamaha) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u kala diray gudigii Garsoorka Qaranka Soomaaliya,wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan SHeekh Maxamuud ayaa lagu kala diray Gudigii adeegga Garsoorka. Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan SH 11-kii bishan Maarso ayaa lagu kala diray Gudigii adeegga Garsoorka,Xafiisyada Gudoonka maxkamadda sare iyo Xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay wareegtada ineysan saamayn doonin kala dirista Gudiga adeegga Garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa faray golayaasha xukuumadda iyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya iney dadajiyaan dhismaha gudiga adeegga Garsoorka dalka,Madaxweyne Xasan Sh ayaa qodobo Dastuuri ah u cuskaday kala dirista Gudiga adeegga Garsoorka.

wareeegto wareeegto     Muqdisho Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc