Calendar

Shirka maamul u samaynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo furmaya 25 bishan Maarso

cadaado3Cadaado(Bartamaha) Afhayeenka Gudiga qabanqaabada shirka gobolada dhexe Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in 25 bishan uu magaalada Cadaado si rasmi ah uga furmayo shirka maamulka loogu samaynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Cumar Cali Rooble  Afhayeen Gudiga qabanqaabada shirka  ayaa sheegay in dibu dhaca shirka ay sabab u ahayd khilaaf ka taagnaa gobolka Galgaduud iyo dagaalka magaalada Guriceel oo saamayn ku yeeshay ,Afhayeen Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in lagu guuleystay dhammaynta khilaafkii keenay in shirka dib loo dhigo.

Afhayeen Cumar Cali Rooble ayaa shaaca  ka qaaday in Musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka gobolada Mudug iyo Galgaduud  looga baahan yahay iney iska xaadiriyaan magaalada Cadaado oo sida uu sheegay uu shirku ka furmayo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka Gudiga qabanqaabada shirka maamul u samaynta gobolada dhexe ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay sugayaan amniga ergada ka qaybgalaysa shirka maamul u samaynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya

Shirka oo qorshuhu ahaa inuu magaalada Cadaado ka furmo 1dii bishan Maarso ayaa dib u dhacay sabab aan la sheegin.

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc