Calendar

Marxuum C/risaaq Xaaaji Xuseen oo Janaaso loo sameeyay, Muqdishana loosoo qaaday

This slideshow requires JavaScript.

Maydka ra’iisul wasaarihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa maalintii shalay ahayd lagu tukaday salaaddii janaasada masaajidka weyn ee Abuubakar Al-Sadiiq ee magaalada Minneapolis, waxaana ka qaybgalay jinaasada muslimiin fara badan badan.

Waxaa ka hadlay culumaa’udiinka gobolka qaar ka mid ah, waxaa taariikhda marxuumka ka sheekeeyay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay saaxiib dhow ahaayeen, isagoo sheegay in Cabdirisaaq uu u dhintay dhaawac soo gaaray 1950-kii.

Waxaa maanta oo Arbaco ah la qorsheynaya in la soo dhoofiyo meyda raysal wasarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dalkaasi ku geeryoodey dhawaan.

Waxaa la sheegay in la marsiin doonno dalka Turkiga meyda allaha u naxaristee raysal wasaarihii hore,halkaaso la sheegay inay kula wareegi doonan mas’uuliyin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Magaalada Minneapolis oo laga soo duuliyo meyda marxuunka waxaa ka soo raaci doonno qar ka mid ah heladiisa,waxaana lugu aasaya maalinta Jimcada ina soo aadan magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya halkaaso aas qaran oo lugu sameynayo.

Salaada janaasada kaddib waxaa si qoto dheer u faah-faahiyey taariikhda raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay mudo wada joogen luguna sheegay inay ahaayeen saaxib dhow.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar,waxaa uu sheegay in Cabdirisaaq uu u dhintay dhaawac soo gaaray 1950-kii,waxaana uu inta ku daray in uu nolashiisa ka xasuusta xilligii uu ahaa Taar-walaha.

“Waxaa uu ahaa halyeey Soomaaliyeed Cabdirisaaq,waxaan xasuusta waqtii uu ahaa  Taar-walaha,waxaa uu SYL u fududeeyey xog aysan heli jirin gumeeystihii xilligaa ee Tayaaniga iyo Ingiriiska,waqti waxaa jirta uu saraakil ka tirsan ciidamada gumeystihii Talyaaniga ay soo weerarreen C/risaaq,waxaay u garaacen si arxan daro ah,dhiig ayuu afka ka sii daayey oo uu tufay oo sanbabaka ayaa dhaawac xun uu ka soo gaaray,taas ayaan orankara waa midii uu u dhintay Jimcihii,illaahay ha u narixto”ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Waxaa sidoo kale iyaguna hadalo ka jeediyey salaada janaasada kadib xubno ka mid ah culamadi ku sugneed masjidka iyo qar ka mid ah helada raysal wasaarihii hore.

Xubnaha meyda marxuun Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kasoo racaysa dalka Marekanka  waxaa ka mid ah Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay horrey u sartya guddi aaska qaran ee loo sameyn doonno raysal wasarihii hore.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured.
« »

Comment: