Calendar

Nabadoon Axmed Diiriye oo Shabaab iyo Xizbul Islaam Nabad ugu baaqay.

2140Bartamaha (Muqdisho):- Nabadoon Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa maanta Nabada ugu baaqay Kooxaha Dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa maanta ugu baaqay Shabaab iyo Xizbul Islaam in ay Nabada qaataan oo ay joojiyaan dagalaada ay ka wadaan Muqdisho.

“Dagaalka Joojiya ama Shabaab ahow ama Xizbul Islaam ahow waa laguugu xisaabinayaa qof aad ku dishay sharci daro…War Alle ka baqa oo dhiiga shacabka ka daaya daadinta….” ayuu yiro Nabadoonka.

Nabadoonka waxa uu daaha ka rogay in shabaab iyo Xizbiga ay diideen Gogol Nabadeed oo dalka la dhigo  waxa uuna ku Eedeeyay in ay u soo caaboonyihiin dhiiga shacabka iyo dagaal iska sii socda.

Nabadoon Axmed Diiriye waxa uu sheegay in isku daygooda uu fashilmay balse aanay ka quusanaynin joojinta Colaada lagu dhamaaday ee ka socta Magaalada Caasimada u ah Soomaaliya Ee Muqdisho.

Dhanka kale Nabadoonka waxa uu cambaareeyay Kooxo ku hoos jira Shabaab iyo Xizbul Islaam oo ku hadlaya magaca Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye isagoo sheegya in Golaha uu yahay mid weli shaqeynaya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: