Calendar

Police-ka DKMG ah ee Soomaaliya oo wacad ku maray in ay Amaanka wax ka qaban doonaan.

1414
Bartamaha (Mogadishu)
:- C/laahi Xasan Bariise Afhayeenka Ciidamada Police-ka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Muqdisho caasimada dalka ayaa ka hadlay dhacdooyinkii qaraxyada ahaa ee Maallin nimadii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadadda Maka Almukarama .
Bariise waxa uu sidoo kale sheegay in qaraxii shalay ka dhacay qeybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee magalada Muqdisho in ay ka danbeeyan dad uu sheegay in aysan Soomaali aheyn isagoona sheegay in ay wataan dano ugaar ah inkastoo qaraxaasi shalay ay sheegteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Afhayeenka police-ka aya dhanka kalle Digniino u soo jeediyay Darawalada iyo shacabka Gaadiidka Yar yar hor dhigta Hotelada iyo Biibi tooyinka in ay ka waan toobaan islamarkaana ay cidii lagu arko gaadiid yaala meelo aan ku habooneyn ay ciidanka Police-ku talaaabo ka qaadi doonaan.
Waxaa uu taliyuhu taasi ku macneeyay in gaadiidkaasi cidlada loogaga tagayo ay ku soo gaban karaan kooxaha doonaya in ay wax qarxiyaan islamarkaana ku rakibi kara bambaanooyinka qarxa .
“Ciidanka Police-ka Waxay u taagan yihiin sugida Amaanka Waxayna ugu baaqayaan dadka reer muqdisho in ay ka shaqeeyaan kala qeyb qaadashada Amanka Ciidamada Police-ka ” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Ciidanka Police-ka.
Si kastaba ha ahaatee waxaa uu hadalka Afhayeen Bariise kusoo aadayaa xili ay maalin nimadii shalay iyo xalayba ay muqdsiho ka dheceen Qaraxyo loo adeegsaday Gaadiid yar yar sida wararka lagu hayo.

Ibraahim Da’ud Abdalle
Xafiiska Bartamaha ee Nairobi-Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: