Calendar

Prof.Dalxa oo Xildhibaanada uga digay Khilaaf hor leh.

dalxaBartamaha (Muqdisho):- Wasiirka dhaqan Celinta iyo Arimaha Bulshada Dowlada KMG ah ayaa si xoogan u Cambaareeyay wararka soo baxaya ee Muujinaya Khilaafaadka ka soo dhex cusboonaaday Baarlamanka.

Prof.Maxamed Cumar Dalxa oo saxaafad maanta la hadlayay ayaa uga digay Mudanayaasha in ay iska daayaan Khilaafaadka iyo la kala safnaanta dhinacyada kala duwan Ee Xukumada iyo Xildhibaanada danaha gaarka leh.

Wasiirka dhaqan Celinta iyo Arimaha Bulshada Dowlada KMG ah waxa uu xildhibaanada farta ugu fiiqay qatarta ka imaan karta isku dhac iyo Khilaafaadka soo kala dhexgalaya Xukumada iyo Mudanayaal doonaya in xilka laga qaadao wasiirada.

Wasiirka waxa uu sheegay in ay waaya aragnimo badan ka kororsadeen Khilaafaadka Xildhibaanada isagoo sheegay in dhibaata badan ay sii galinayso xaalada adag ee dalka Soomaaliya.

Prof.Dalxa ayaa uga digay Mudanayaasha sii socoshaha Howlaha lagu mucaaradayo Xukumada KMG ah  isagoo muujiyay in jiritaanka Dowlada KMG ah ay halis galinayaan Mudanayaasha is khilaafsan dhexdooda.

Hadalka Wasiirkan ayaa imaanaya xilli la xasuusto isku dhacii Baarlamanka dhexdiisa ahaa oo uu qeyb ka ahaa wasiirka maanta baaqa daganaanta ku baaqaya ka soo saaray Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

E_Mail:[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: