Calendar

Qarax ka dhacay Hargaisa, Somaliland

BARTAMAHA – Qaraxan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay wadada dhabarka dambe ka marta Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa Taas oo Magaalada Dhex Marta laakiin ilaa hada lama oga cida ka dambeysay qaraxan waxaan kaloo wlai la soo sheegin Khasaaraha ka dhashay Inta uu la egyahay .
Ciidamo Boolis ah ayaa Goobta qaraxu ka dhacay gaaray Saraakiisha Booliiska magaalada Hargaysa ayaa waxaa ay dadka u sheegeen in ay is Dajiyaan Qaraxana ay dib ka Faah Faahin doonaan waxaana ilaa hada Ciidamadu baaritaan ka wadaan Xaafadaha ka agdhaw halka qaraxu ka dhacay.

wali ma jiro mas,uul ka hadlay qaraxaas oo ka tirsan maamulka Somaliland waxaana ilaa hada socda baaritaan lagu Ogaanayo Cidii ka dambeysay Qaraxa Hargeysa ayaa sanado ka hor waxaa ka dhacay Qaraxo khasaare badan uu ka soo gaaray Dad shacab ah oo Soomaaliyeed iyo Ajaanib intaba Goobaha xiligaas la weeraray waxaa ka mid ahaa safaarada Ethiopia Ee Hargeysa.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: