Calendar

5 qof oo koronto ku dishay Galkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Maanta 5 Ruux ay Koronto ku dishay Magaaladaas kuwaas oo ka mid ahaa shacabka magaalada waxaana ay u geeriyoodeen markii Korontadu ay qabatay Xili Roobab ay ka da,ayeen saacadihii la soo dhaafay Magaaladaas.
Dadkaan gaaraya 5 Ruux ee ku Geeriyooday Korontada ayaa waxaa ka hadlay Mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo iyagu sheegay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo Shirkadaha Korontada oo iyagu Mas,uul ka ah dadka dhintay.
Xildhibaan cali Baashi oo ka mid ah Xildhibaanada galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in arintaan ay tahay miud dhibatao ku ah Bulshada Reer Galmudug Wasaarada arimaha Gudaha Galmudug ayuu ugu Baaqay in arintaa ay wax ka qabato oo ay talaabo ka qaado Shirkadaha Korontada Bixiya .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: