Calendar

Qaraxyo ka dhacay Gaarissa oo 2-Qofood ku dhimatey

Ugu yaraan 2-qofood ayaa geeriyootay, todobo kalane way dhaawacantey markii bambooyin gacanta laga tuuray lala eegtey deegaan Dagahale oo ka agdhaw magalada Gaarissa.

Dhacdadaan ayaa dhacday xilli habeenimadan Jimcaha oo saladda Maqrib laga soo baxay.

Booliska ayaa waxa ay leehyihiin, qaraxa waxa u dhacay marki gaari walxaha qarxa laga tuurayay u soo ag istaagay meel lagu qayilo, isla markaane uu tuurey bom gacmeedka.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska ee waqooyi-Bari Kenya oo Phillip Tuimur ayaa sheegay in labo qofood ay dhimatey, todobo kalane isbitaalka loola cararay oo labo kamid ah ay ku jiraan xaalad adag, isagoona raaciyey ineysan jirin cid loo xirey dhacdadan.

Waxa uu yiri boolis ayaa la galiyey feejignaan, si ay u daba galaan dadka weerarka geystey ee watey gaariga noocisa lagu sheegay inu yahay Saloon.

Dhacdo ka horeysay ayaa ka dhacday deegaanka Xagardheer ee waqooyi-bari Kenya.

Kenya ayaa si is xig-xiga waxa uga dhacayay weeraro bom-gacmeedyo badan loo adeegsanayay tan iyo markii ciidamadeeda ay ka gudbeen xuduuda ay la leehyihiin wadanka Soomaaliya oo ay kula dagalameen kooxda Al Shabaab.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: