Calendar

(Sawiro) Madaafiic Burbur gaysatay oo ku hoobanaysa degmooyinka Magaalada Muqdisho

61RBC – Khasaarooyin kala gedisan ayaa Dadka Rayidka ah kasoo gaaraya dagaalada qaraar ee weli magaalada Muqdisho ku dhaxmaraya Xoogaga Islaamiyiinta iyo dowladda Federaalka Somalia.

Dhibaatada magaalada Muqdisho kajirta waxaa qayb ka qaadanaya Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Africa oo madaafiic aan loo meel dayin ku garaacaya xaafadaha Muqdisho qaarkood.

Madfac maanta kusoo dhacay Xaafadda Suuq Bacaad ayaa khasaara culus ugaystay dad rayid ah oo halkaasi ku sugnaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Madfac sida muuqato lagasoo diray madaxtooyada uu kusoo dhacay Miijiska oo katirsan Suuq Bacaad waxaana halkaasi ku Nafwaaye 4-qof oo dhamaantood hal qoys kasoo wada jeeday.

Waxaa kale oo jira Madaafiic kusoo dhacaysay guryo ay mar hore ka carareen dadkii ku noolaa.

Kumanaan shacab reer Muqdisho ah ayaa ka cararaya Dagaalada iyo duqaymaha ka socdo magaalada Muqdisho xilli aanay jirin xal laga gaaray khilaafaadka dhanka Siyaasadda ah ee udhexeeya madaxda Somalida.
RBC Muqdisho Somalia.

HALKAN KA DAAWO MASAWIRADII

Comments

comments

Category : Featured, Photos.
« »

Comment: