Calendar

Shirkii Brussel oo Soomaaliya loogu deeqay lacag dhan 1.8 bilyan oo dollar

7Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in loogu deeqay Soomaalia lacag dhan 1.8-bilyan oo doollar, isagoo xusay in caalamku uu muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu garab-istaago Soomaaliya.

“Halkan waxaa lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Soomaaliya, calaamkuna wuxuu ugu deeqay Somalia lacag gaaraysa 1.8 bilyan,” ayuu madaxweynuhu ka sheegay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen shirka kaddib madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Chatherine Asthon.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in mashruucan uu yahay mid furan oo ay ka faa’iideysan doonaan dhammaan Soomaalida, isagoo xusay in cid si gaar ah u isticmaalaysa lacagtan iyo cid loo diidayo inaysan jirin, balse ay tahay mid Soomaalida oo dhan loogu deeqay.

“Dhaqaalahan lagu yaboohay Soomaaliya waxaa lagu fulin doonaa wixii aan innagu doorano in naloo qabto, balse ma ahan dhaqaale lagu qabanayo wixii la doono sidii horay u dhici jirtay,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyay.  Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay in beesha caalamku ay muujisay inay diyaar u tahay inay caawiso Soomaaliya, balse Soomaalida laga doonayo inay iyagu noqdaan kuwo la caawin karo.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula talinayaa inay iska daayaan khilaafka, xanta, fara isku fiiq-fiiqa iyo wixii la mid ah ayna u diyaar-garoobaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda. Haddii beesha caalamku ay u aragto inaydaan lacagtan hanan karin, ma jirto wax diidaya inay meelo kale u wareejiso,” ayuu madaxweyne Xasan ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in lacagta loogu deeqay Soomaaliya aysan ku dhici doonin jeeb gaar ah balse wax loogu qaban doono dadweynaha Soomaaliyeed.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: