Calendar

WAA KUMA SHEEKH MUKHTAAR (ABUU-ZUBEYR)?

Amiirka ururka Al-shabaab Sh Mukhtaar Abuu-Zubeyr ayaa maalintii shalay 13/05/2009, markii ugu horreysay soo diray cajalad maqal ah oo saxaafadda laga sii daayay isaga oo uga hadlay arrimo badan oo ay ugu horreeyaan dagaallada lagu hoobtay ee Muqdisho ka socda.

Haddaba, waxaan jeclaystay in aan akhristeyaasha waxyar uga iftiimiyo ninkaas xogtiisa dhabta ah inta aan ka warhayo, si aanay ugu jaha wareerin magaca dad-sameega ahe aanay ummadda badankeedu hore u maqal.

Axmed Cabdi Ow-Maxamuud (Godane) wuxuu u dhashay beesha ugu badan Somaliland ee Isaaq, gaar ahaan jilibka Arab, wuxuuna xilligii maxaakiimta noqday xoghayohooda guud, keddibna wuxuu la baxay Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan (Abuu-Zubeyr).

Axmed (Godane), isaga iyo rag kale ayaa mas’uul ka ahaa hawl galladii lagu qarxiyay Somaliland iyo Puntland hawl galladaas oo lagu maal geliyay lacag dhan boqol kun ($100,000.00) oo dollar, taas oo xawaaladda Qaran xarunteeda Garowe uu ka qaaday taliyaha ururka Al-Shabaab ee Puntland Fu-aad Maxamed Khalaf (Shongolle), sida ku cad dukuminti hore loogu faafiyay warbaahinta Waaga-cusub, lana saxiixay July 3,2008.


Qaraxyadii Hargeysa waxaa ku dhintay 20 ruux waxaana ku dhaawacmay 31 kale. Madaxtooyada Hargeysa waxaa ku dhintay Saraakiil muhiima oo ay ka mid ahaayeen xogheyntii madaxweyne Reyaale, Beeldaajiye kamid ahaa golaha guurtida iyo rag kale. Waxaa sidoo kale raggii dhaawacmay ku jiray taliyahii nabad-sugidda gobolka Hargeysa Ibrahim Hutu.


Qunsuliyadda Ethiopia ee Hargeysa dadkii ku hoobtay sida la sheegay waxay dhamaantood ahaayeen rayid safaaradda ka doonayay fiisooyin halka xarunta UNDP Hargeysa uu ku dhintay madaxii amaanka oo ahaa nin Somaliland kasoo jeeda.


Puntland waxay sheegteen inuu qaraxyada kaga dhintay hal nin, toddoba kalena ay kaga dhaawacmeen, hase yeeshee tirada dhimashada waxay dad madax bannaani ku sheegeen 11 ay ka mid ahaayeen Masuuliyiin.


Ahmed Godane waxaa lagu tilmaamaa nin aamusnaan badan, jab yar oo cad, Wuxuu ka shaqeyn jiray Shirkaddii Barakaat iyo isgaarsiinta Telesom Somaliland,

Axmed Godane wuxuu wax ku bartay Bakistan, wuxuuna lixdii biloodba 43 cisho tababar Millateri kusoo qaadan jiray Afghanistan , sida uu Muxaadaro ku qirtay, horena eheladiisu uga faalloodeen.


Ahmed Godane waxaa Somaliland lagu qabtay xilli uu lacag dhacay, waxaana jaaniska uu ku baxsaday siiyay nin ay walaalo yihiin oo taliye ciidan waqtigaas ka ahaa Somaliland . Hase yeeshee 1994 tii waxaa la helay in Godane iyo Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad (Afqaani) laba jeer isku dayeen fal ay doonayeen inay ku dilaan madaxweynihii Somaliland ee geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo waqtigaas socdaal ku marayay Boorame.


Dadka la shaqeyn jiray Ahmed Godane way rumeysan waayeen inuu yahay nin ku kacaya fal dhac iyo dimbi, waxaana warku shaac baxay markii laga war helay inuu gaari dheereeya kaga gudbay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee degaanka Togdheer.


Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad (Afqaani) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Sacad Muuse ee Isaaq, wuxuu sanado badan ku noolaa Maraykanka kadibna tababar ayuu ku qaatay Afqanistaan, waxaana dadka yaqaanna sheegeen inuu ka shaqeyn jiray kaalin Shidaal oo ku taal Minnesota.


Labada xagjir ee u dhashay Somaliland waxaa hore uga fashilmay qorshe ay la doonayeen inay ku burburiyaan madaxtooyadda iyo bankiga dhexe ee Hargeysa, waxaana la qabtay ninkii falkaas hogaaminayay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Indha-cadde) una dhashay beesha uu madaxweyne Reyaale kasoo jeedo ee Samaroon (Gadabuursi).


Indha-cadde oo jidka Berbera lagu qabtay isagooy gacan uu ka dhaawacmay u duubnayd, xirnaana niqaabka dumarka, wuxu ku haminayay inuu qaraxyadiisa fuliyo maalintii doorashadda baarlamaanka Somaliland 2005, waxaana lagu xukumay 20 sano oo xarig ah, hase yeeshee, madaxweynaha Somaliland Daahir Reyaale Kaahin ayaa 31/05/07 cafis u fidiyay isaga iyo rag falka kula jiray oo qaarkood qirasha sameeyay.

Sabriye Macallin Muuse

[email protected]

Minnesota-United States

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles, Wararka Maanta.
« »

Comment: