Calendar

Dagaalo culus oo galabta ilaa barqadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

3239Dagaalo  u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda  ayaa maanta waxaa ay mar kale ka dhaceen Xaafadda Siinaay ee degmada Yaaqshiid.

 

Dagaaladaasi oo mudo dheer socday islamarkaana la isku adeegsaday hubka nuucyadii kala duwan  ayaa waxaa ay geesteen qasaare soo gaaray dad rayid ah kuwaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Ilaa iyo haatan in ka badan 6-ruux ayaa ku geeriyootay dagaalada halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 33-qofod kuwaasi oo dhaawacooda la geeyay cusbitaalada Magaalada Muqdisho.

 

Cali Muuse oo ka mid ah howadeenada gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa caawa Shabelle u sheegay in ay qaadeen ilaa 25-ruux oo rayid ah kuwaasi oo madaafiic iyo rasaas habow ah ay guryahoodii ugu tagtay islamarkaana ay ka qaadeen goobaha ay dagaaladu ka dhaceen.

 

Dagaalka maanta ka dhacay Agagaarka Isgoysyada Jardiinka iyo Siinaay oo u muuqday in ay  dabo joogaan dagaalo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay qaboobeen goor galab gab ah,waxaana haatan deegaanadii lagu dagaalamay ay yihiin kuwa degan.

 

Todobadii  maalin ee u dambeysay ayaa magaalada Muqdisho waxaa la soo daristay xaalad aad u adag kadib markii ay isdaba qabsadeen dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ururo Mucaarad ah  oo is garabsanaya iyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo sababay geeri,dhaawac iyo barakac farabadan,mana jirto cid ilaa iyo haatan u istaagtay in ay xaliso dhibaatadaasi.

 

Shabelle: MUQDISHO

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: