Calendar

Wada-Xaajood Iyo Xeerarka Dalka Oo Loo Noqdo Ayuun Baa Xallin Kara Xiisadaha Taaggan

Suldaan-M-X-XuseenSida aynu la wada socono waxa maalmahan is weyn u soo ifbaxayey muran iyo ismaandhaaf xoog leh oo u dhexeeya xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda Daahir Riyaale Kaahin, kaas oo salka ku haya murkacashooyinka ku yimi doorashooyinkii muddaysnaa iyo muddo-kordhimaha ka dhashay qabyadii soo baxday. Dhinaca kalena waxa sida dharaarta u muuqda cabsida ay ka qabaan shacbiweynaha Somaliland cawaaaqib xumada ka dhalan karta khilaafaadkan guunka ah ee mar ba marka ka sii dambaysa sii gaamuuraya.
Haddaba, annagoo ah labadan suldaan ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, isla markaana ka mid ah madaxdhaqameedyada Somaliland. Waxaannu halkan ku soo bandhigaynaa baaq nabadeedkan.
suldaan-GuuleedUgu horreyn. Waxaannu aaminsan nahay in uu qarankan yagleesha ahi maanta marayo marxalad xasaasi ah, taas oo mudnayd in lagu waajaho isku duubni, iskaashi iyo midnimo qaran. Nasiib darrose waxaa muuqata in naqwadii iyo nin-doorkii ummaddani ay mar kasta ku murmayaan arrimo sabab u noqday in ay riiqaan ama ragaadiyaan horumarka, haybadda iyo habsami u socodka hawlihiisa. Si kastaba arrintu  ha ahaatee, haddiiba isqabad iyo qalad meesha soo galay, waxa lagama maarmaan ah in aan gaas iyo qaraf lagu sii qaban qolqolka digadiisu qiiqayso. Hase yeeshee, waxaa habboon in gogol la isugu yimaado si guurtinimo leh loogu garnaqsado, isla markaana garow geesinimo leh iyo gacaltooyo aakhirka la isugu gacanqaado.
Caqiidada saxa ah, caqliga fayow iyo dhaqanka suubban ee caadada inoo ahi, waxay intuba ina farayaan in aynu si xikmad iyo xaqsoor sharci leh ugu kala baxno dhibaatooyinka ina soo kala dhexgala.
Sidaa darteed, waxaannu ugu baaqaynaa dhinacyada kala duduwan iyo xisbiyada isku haya xeedhada siyaasadda in ay xurgufaha iyo khilaafka u dhexeeya ku xaliyaan wada xaajood uu xudun iyo xakame yahay xeerarka dalku.
Talowadaag, turxaansaar, isu tanaasul, is toosin iyo towfiiq middaysan, waa tiirarka ugu adag ee uu qarankani ku taagan yahay, isla markaana uu ku soo nabad  iyo caano maalay. Sidaa darteed, waxaaannu farta is gaar ah ugu fiiqaynaa in aanay marnaba xal horseed u noqon karin siyaasad ku dhisan cunfi, cadaadis, cabudhin iyo cagajugleyn. Sidoo kale waxaannu ka digaynaa in la isku dayo in awoodda iyo imkaaniyaadka ummaddani wada jirka u leedahay la isugu adeegsado sifo aan sharciga waafaqsanayn.
Dadweynahan ay dushooda ka muuqato diifta iyo darxumooyinka tirada badan, waxa qudha ee ay dugsanayaan waa degenaanshan nabadeed ee Daayinkoodu ku manaystay. Haddaba, cid kasta oo isku dayda in ay ka dumiso ama isku disho, waxaan shaki ku jirin in aan denbigeeda iyo dakanadeeda lagaga daba hadhi doonin if iyo aakhiroba.
Sidaa darteed, waxaannu ugu baaqaynaa shacbiweynaha Somaliland in iyagoo isku duubban ay ilaashadaan ammaankooda. Sidoo kalena, waxaaannu ugu baaqaynaa indheergaradka, aqoonyahanka, culimo-awdiinka, abwaannada, madaxdhaqameedka (isimmada, salaadiinta, cuqaasha) iyo ganacsatadu inay door-firfircoon ka qaataan xallinta xiisadaha taaggan, isla markaana ay isu soo dhoweeyaan dhinacyada kala aragtida duwan. Waxaaanna la gudboon in gees looga soo wada jeesto cidda gar-daran.
Allaheen tubta toosan ha ina waafajiyo, boggeena iyo beerkeennana burcad ha isu keen mariyo.
Allaa Mahad Leh

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur
Suldaan Maxamuud Guuleed Mire

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: