Calendar

WAR CUSUB:- Askari Kenyan oo lagu diley Garissa

Askari Kenyan ah iyo qof shacab ah ayaa lagu diley magalada Gaarissa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya.

Qof kale oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay, iyadoona kooxaha ka danbeyay dilka oo la aqooon ay meesha ka baxsadeen.

Saddex-da qofood ee dhimaaatadda ay soo gaartey ayaa ku sugnaa meel dhex bartamaha magalada Garissa kamid ah, waxana kooxaha dhibaatadda geystey ay yimaadeen meel ku dhaw dadka ay dhibaateyeen.

Askariga dhintey ayaa warar kala duwan kazoo baxayaan iyadoona aan la garanayn inuu kamidd yahay ciidamada military-ga ama kuwa police-ka.

Kenya ayaa waxa ka dhacayo qaraxyo iyo dilal qorsheesan kuwaas oo dowlada ay ku eedeynayso iney ka danbeyso kooxda Al Shabaab balse wali ma jirto cid si rasmi ah loogu soo qabtey iney ka danbeyaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idin soo gudin doonna, inshalah!

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: