Calendar

War Deg-Deg ah:-Dagaal saaka ka qarxay Magaalada Baladweyne.

breaking-news bartamahaBartamaha(B/Weyne):-Dagaal xoogan ayaa saaka ka qarxay duleedka Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay weerar ku soo qaadeen Ciidanka Ahlu sunnah iyo kuwa Dowlada.

Dagaalka ayaa waxa uu ka bilowday Garoonka Diyaaradaha Baladweyne oo ay qabsadeen Ciidanka Dowlada markii weerar gaadma ah ay ku soo qaadeen garoonkaasi.

Dagaalka ayaa weji kale yeeshay markii Ciidanka Ahlu sunnah ay rasaas ka soo bilaabeen dhanka Ceel Gaal  oo 8-KM u jirta Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.

Madaafiic iyo rasaas ayaa soo gaaraysa Gudaha Baladweyne sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo aynu xiriir la samaynay iyadoo Ciidanka Xizbul Islaam ay wadaan diyaargarow balaaran.

Xaalada ayaa kacsan waxaana barakac ka bilowday gudaha Magaalada Baladweyne oo laga baqanaayo in ay soo gaaraan Ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa AHlu sunnah oo weerar ku ah Magaaladaasi.

Wixii soo kordha www.Bartamaha.Com kala soco

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: