Calendar

Ka soo qayb gal tartanka WK Amsterdam 2010

ogaysiisWaxaan jaaliyada Soomaalida Holand degan lagu wargalinayaa in magaalada Amsterdam lagu qabanaayo koobkii Jaaliyadaha ku dhaqanka dalka Holand gaar ahaan magaalada Amsterdam taariikhdu marka ay tahay 5 iyo 6 June 2010.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Holand iyo gobalada dhamaan waxaa muhiim ah inaad ka soo qayb gashaan si aad u dhiirigalisaan kooxda ku ciyaaraysa dalka Soomaaliya, kuwasoo mudan in la garab istaago marka ay kulamada kale duwan kula ciyaari doonaan koobka WK Amsterdam 2010.
Kooxda Soomaalidu waxay ku jirtaa Qaybta  C  jadwalkuna waa sidan:

Sabti 5 june 2010 iyo Axad 6 June 2010
Poule C
Sabti. time: 10:10 Somalië vs Rusland
Sabti. time: 11:30 Nepal vs Somalië
Sabti. time: 14:40 Equador vs Somalië
Sabti. time: 16:00 Tunesië vs Somalië
Sabti. time: 18:00 Turkey vs Somalië
Axad 6 june 2010
Axad. time: 10:40 Somalië vs Aruba
Axad. time: 12:00 Somalië vs Germany
Hadaba hadii aad danaynayso sida ay wax u dhacayaan fadlan daawo Film laga soo duubay kooxda Soomaalida iyo taageerayaashii ka qayb galay labadii maalmood sidii quruxda badnayd ee ay u garab istaageen Wiilasha iyo qaabka calankeena uga dhax muuqday calamada kale iyo garoonkaba.

Ka soo qaybgal wacan dhamaantiin fadlan calanka dalka Soomaaliya iyo hidaha dhaqankaba hore u soo qaata caruurtana hore u soo wada maalintaas.
Mahadsanidiin
Yusuf Yusuf
Sports Editor of sspamedia
[email protected]
London

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: