Calendar

Weerar Xalay lagu qaaday Hotel ku yaala Buulo Barde oo khasaare ka dhashay

Buulo Barde_ Wararka laga helaayo deegaanka Buulo barde ee gobalka Hiiraan ayaa ku waramay in weerar xalay lagu qaaday Hotel ku yaala deegaankasi oo ay deganayeen saraakil katirsan dowlada Somaliya iyo ciidamada Jabuuti.

Hotelka oo lagu magacaabo Cumurow ayaa la weeraray xili dame oo xalay ah dadkuna ay hurdeen, iyadoona markii hore qarax uu ka dhacay afaafka Hotelka deetana weerar toosa lagu qaaday iyadoona la maqlayay rasaasta ka dhacda hubka fudud iyo kan culus.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarka ay gaarayso ku dhowaad 15- ruux, waxaana dadka geeriyoday ku jira sida aanu wararka ku helayno saraakil katirsan dowlada.

Saraakisha dhintay ayaa la sheegay inuu ku jiro Col. Maxamed Amiin Jeesow oo ay walaalo yihiin xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, waxaa jira warar kale oo sheegaya in saraakil katirsan Jabuuti ay iyana khasaare soo garay.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa la sheegay inay ku jiraan kooxdii weerarka soo qaaday oo ay iska caabiyeen ciidamadii waardiyaha ka hayay Hotelka la weeraray.

Buulo Barde ayaa dhowaan gacanta ugashay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, waxaana horay umaamuli jiray Al-shabaab.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: