Calendar

Xukumada Fd Soomaaliya oo Maanta dhankooda Ansixiyay Go’aan dalka loogu soo rogayo Sharciga Marshal Low.

15Bartamaha(Muqdisho):-Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha Wasiirada Dowlada Fd soomaaliya ayaa waxa ay si rasmi ah ugu ansixiyeen sharciga dalka loogu soo rogayo Go’aanka Marshal Low-ga kaasi oo dalka haatan ay xukumada soo jeedisay in lagu soo rogo. 

Wasiirka warfaafinta Xukumada Fd soomaaliya oo shirka ay wasiirada yeesheen ka dib la hadlay warfidiyeenada ayaa shaaca waxa uu ka qaaday in dalka haatan lagu maamulo go’aankaasi in ay dhanka wasiirada ka soo baxday.

Wasiirka ayaa Go’aankaasi ku tilmaamay maadaama xaalada soomaaliya ay isbadashay ila mar’ahaantaana ay soo saldhigteen kooxaha Al-Qaacida sida uu tilmaamay kuwaasi oo doonaya in dalka ay ku qabsadaan awood iyo qaab argaxgixisanima ah.

Wasiirka Warfaafinta Farxaan Cali Maxmuud ayaa sidoo kale ka dalbaday wadamada Beesha Caalamka sida Qaramada Midoobay, Midowga Africa,IGAD,Jaamacadda Carabta,Ururka Islaamka,Wadamada reer Galbeedka ah in ay ka soo gaaraan xaalada dalka soomaaliya haddii kale ay biyaha dhankooda u janjeersandoonaan.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli maanta uu saxaafada u marsiiyay baaq uu dirayay Gudoomiyaha Baarlamanka kaasi oo uu ku dalbaday ciidama dhan waliba leh in ay dowlada caawiyaan si ay ugu taqalusaan kooxaha caalamka loogu yeero Al-qaacida.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: