read more »">
Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo sheegay in ay soo dhaweynayaan Falkii ismaadaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Beledweyn.

Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa shir Jaraa’id oo uu Maanta qabtay uga hadlay arimo badan  oo ay kamidyihiin Arimaha ka Jira qeybo kamid ah  Koonfurta Soomaaliya gaar ahaanna Magaalada Muqdisho oo ay ka jiraan dagaalo u dhexeeya iyaga iyo  Dowladda KMG ah ee Soomaaliya

 

Sheekh Xasan yacquul oo ah afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo  ayaa sheegay in ay maamul ahaan soo dhaweynayaan falkii ismiidaaminta ahaa ee   lagu dilay wasiirka Amniga qaranka ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan-.

 

Waxaa uu Sheegay in uu Fashilmay Shirqool uu ku sheegay  in ay Xukuumaddu hore  u soo maleegay oo shacabka Soomaaliyeed ku wajahnaa, kaas oo lagu doonayay in dagaalada loo warejiyo gobollo cusub balse ay dileen saraakiishii hormuudka ka ahaa howlahaasi.

 

Afhayeenka maamulka Islaamiga ee Kismaayo ayaa isagoo ka hadlayay dagaalada Muqdisho ka socda sheegay in ay kaga guuleysteen dowlada KMG ah islamarkaana ay dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan Xukuumadda shariifka.

 

Arintaan uu maamulka kaga hadlay qaraxa ka dhacay Magaalada Beledweyn ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay ku Muujiyaan in ay soo dhaweynayaan qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday Hotel Madiina oo ku yaal Magaalada Beledweyn ee xarutna gobolka Hiiraan.

 

 

Wararka Xaqiiqda ah kala Soco Bartamaha Kismaayo

 

www.Bartamaha.com

Kismayo –Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: