Calendar

Xukuumadda oo la ansixiyay

Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa ansixiyay xukuumada cusub ee dhawaan uu soo dhisay ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada kazoo qeyb galey kulanka ay gaarayeen 225-xubnood, iyadoona ay 219 ay ogolaadeen, 3-dex ay kazoo horjeesten, 3-dex kalane ay ka aamuseen.

Xukuumadan ayaa ah midi ugu horeysay oo dowlad rasmi ah oo yeelato Soomaaliya tan iyo 1991-kii waxana ay tahay midi ugu yereyd ee Soomaaliya yeelato.

Ra’isal wasaaraha xukuumada Cabdi Faarax SHirdoon (Saacid) oo xildhibaanadda la hadlay ayaa sheegay in qorshaha ay horkeenayn baarlamaanka oo hada ay meel mariyeen uu ku howlgali doono 4-ta sano ee soo socota.

[slidepress gallery='ansixinta-xukuumada-saacid']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: