Calendar

20-ruux oo ku geeriyootay shil ka dhacay duleedka Kismaayo.

gari_2Bartamaha(Kismaayo):-Shil gaari oo dad badan ay ku la’deen ayaa ka dhacay duleedka Magalada Kismaayo Ee gobolka Jubada Hoose.

Shilkan oo ah midkii Labaad oo todobaad gudihiis ka dhacay duleedka Kismaayo ayaa sababay dhimashada 20-ruux iyo dhaawac 7-ruux.

Shilka ayaa shalay gabal dhicii waxa uu ka dhacay Deegaanka Beerxaano oo dhaca 50-KM meel u jirta duleedka Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose.

Gaariga ka soo baxay Xerada Xagardheer ee Woqooyi Bari Kenya ayaa waxaa uu ku rogmaday Beerxaano halkaasi oo ay ku dhinteen 20-ruux oo uu ku dulfariistay gaariga Xamuulka ahaa.

Dhaawacyada ayaa la geeyay Isbitaalka Kismaayo oo horay ay u yaareen in ka badan 10-ruux oo dhawaan dhaawac ka soo gaaray shil ka dhacay duleedka Kismaato oo ay ku dhinteen in ka badan 12-ruux oo Xerada Xagardheer ka soo baxay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: