Calendar

Gudiga Amniga Dowlada oo shiraya iyo Abaabul dagaal xoogan oo socanaya.

guBartamaha (Muqdisho):-Gudiga amniga Dowlada KMG ah ayaa maanta yeelanaya kulankii ugu balaarnaa xilli la dareemayo dhaqdhaqaaq xoogan.

Gudiga amniga Dowlada KMG ah ayaa saacadaha soo aadan shirk u yeelanaya hoyga Ra’iisul Wasaaraha si ay uga arinsadaan isbadalada dhawaanahan ku soo kordhayay dalka.

Ggudoomiye gudiga Sheekh Aadan Max’ed Nuur oo ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ahna Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ayaa lagu wadaa in uu shir gudoomiyo kulanka maanta gudiga amaanka ay yeelanayaan.

Gudiga ayaa waxaa ku jira Wasiiro firfircoon oo xukumada ka mid ah kuwaasi oo dhammaan ka tashanaya sidii Dowlada awoodeeda loo soo celin lahaa.

Gudiga ayaa waxaa si hoose ula shaqeynaya Hogaamiye Kooxeedyo xilli ka shaqeyn jiray dalka kuwaasi oo la faray diyaarinta Ciidan qaab Maleeshiyo Beeleed loo diyaariyay si ay uga qeyb noqdaan dagaal la qorsheynayo.

Kulanka soconaya ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidanka Amisom ay galeen heegankii ugu sareeyay iyadoo la dareemayo dhaqdhaqaaq ay Ciidamada samaynayaan.

Maalmaha soo aadan ayaa laga baqanayaa in Magaalada Muqdisho ay dagaal jilbaha loo aastay oo diyaarsan ay qaadaan Ciidanka Amisom oo ka caraysan qaraxyada iyo dagaalka oo ka baxay Muqdisho saamayntiisana gaartay Kampala.

Inta badan gudiyad Ammaanka ee la sameeyo ayaa waxa ay shaqadooda ku soo kaabaan abaabul Ciidan iyo qorshe guud oo dhanka amniga ah wallow Fulintiisa ay ku adagtahay Dowlada awoodeeda la wiiqay Ee KMG ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: