Calendar

Afhayeenkii Xizbul Islaam Afgooye oo la xeray iyo Xog ku aadan xaalada Afgooye iyo Ceelasha

DSC03655Bartamaha (Afgooye):- Sida www.Bartamaha.Com ay u sheegeen saraakiil Xizbul Islaam ah waxaa la xeray Sargaalkii Afhayeenka u ahaa Maamulka Xizbiga Ee Degmada Afgooye.

Wadaadkan ayaa la xeray shalay gabal dhicii ka gadaal markii Xasan Dahir Aweys uu amray in la soo qabto oo xabsiga la dhigo Wadaadka Afhayeenka u ahaa Xizbul Islaam Afgooye kaasi oo lagu magacaabo Sheekh Cali sh .cumar xaaji cabdi { cali madiini }.

Sheekh Cali Madiinii ayaa ahaa ninkii diiday in Xizbul Islaam Afgooye ay gurmad u dirto Buurhakaba dagaalkii ka dhacayay oo Xizbul Islaam looga soo qabsaday dhulkaasi waxaana shalay uu mutaystay Xabsi.

Wadadkan ayaa hada ku jira Xabsiga Lafoole sida wariye Madax banan uu www.Bartamaha.Com u sheegay waxaana saraakiil aan la xiriirnay ay noo cadeeyeen in Khilaaf jira awgiis la xeray wadadkan oo looga shakiyay in uu doonayay u gacan galinta shabaab Degmada Afgooye.

Dhanka kale waxaa Degmada Afgooe illaa Ceelasha Biyaha la soo daadiyay Ciidankii ugu badnaa ee ka socoda Xizbul Islaam waxaana Ceelasha Biyaha ku sugan Wadaadka Kooxdaasi hogaamiyaha Sheekh Xasan Daahir.

Xaalada Afgooye ayaa sidoo kale kacsan waxaana wararka aynu helayno ay sheegayaan in gudaha Afgooye ay soo galeen saaka Ciidan xoog badan oo shabaab ah wallow ay markii danbe u dhaqaaqeen Deegaanka Basra oo xiriiriya Afgooye iyo Balcad.

Xiisada waa mid weli taagan waxaana Xizbul Islaam ay hadda u tafa xaydatay badbaadinta dhul yar oo ah Ceelasha Biyaha illaa Afgooye oo ay maamusho Kooxdan iyadoo wadaadka hogaamiya uu indhawaydba ku go’doosanaa Ceelasha.

Wixii warar ah ee soo kordha www.Bartamaha.Com haka dheeraan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: