Calendar

Arsenal oo baadi goob ugu jirto Demba BA

BA Bartamahademba-ba-chelsea-premier-league_2971815

Kooxda Arsenal ayaa Chelsea u dirtay dalab ay si amaah ugu dooneyso weeraryahankeeda Demba Ba.

Gunners ayaa ku dooneysa weeraryahankan reer Argentina amaah xilli-ciyaareedkan ah, balse waxay tartan kala kulmeysaa kooxda Roma ee dalka Taliyaaniga oo iyadana daneyneysa xiddiggan.

Demba Ba ayaanan taageero ka heysan macallinka cusub ee Chelsea Jose Mourinho, isagoo xataa aanan kursiga keydka lasoo fariisin labadii kulan ee u dambeysay ee kooxda isagoo caafimaad qaba.

Ciyaaryahanka ayaa sii quustay markii kooxda soo iibsatay Samuel Etoo, iyadoo horey u joogeen Fernando Torres iyo Lukaku.

 

Chelsea ayaa dooneysa in ay ugu yaraan si amaah ah ku dirto laacibkan 27 jirka ah si ay u yareyso mushaaraadka kooxda ay bixiso, balse waxay door bideysa in uu ku biiro koox aanan ciyaareyn horyaalka Ingiriiska.

Arsenal ayaa aad u daneyneysay Demba Ba bishii jannaayo ee sanadkan ka hor inta uusan ku biirin kooxda Chelsea.

Arsene Wenger ayaa raadinaya ugu yaraan weeraryahan cusub oo uu kooxda kusoo daro si uu u helo ciyaaryahan uu ku ilaaliyo Giroud oo bandhig fiican heysta billowga xilli-ciyaareedkan.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Featured, Sports, Wargelin Show.
« »

Comment: