Calendar

Xulka England oo laga saaray Ciyaarihaano oo ku jiro Rooney

rooney

Xiddigaha Man Utd ee Weyne Rooney iyo Jones oo uu wehliyo daafacda Liverpool ee Johnson ayaa laga saaray xulka Ingiriiska ee ciyaari doona kulamada isreeb-reenka koobka adduunka toddobaadka soo socda.

Rooney ayaa madaxa dhaawac kasoo gaaray isagoo seegay kulankii kooxdiisa Man Utd lagu garaacay ee Axaddii, Phil Jones ayaa dhaawac anqawga ah kasoo gaaray kulankii Man Utd iyo Liverpool, waxaana la wadaaga dhaawacaas Johnson oo Liverpool daafaca uga ciyaara.

Seddexda ciyaaryahan ayaa ka maqnaan doona xulka Ingiriiska labada kulan ee uu la kala ciyaari doono Maldova iyo Ukraine Jimcada soo socota iyo Talaadada ku xigta.

Difaaca 21 jirka ee kooxda Cardiff City Steven Coulker ayaa xulka looga yeeray.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Featured, Sports.
« »

Comment: