Calendar

Xavi Alonso Oo Noqonaya Xiddiga Ugu Horeeya Ee Uu Jose Ka Wadanayo Real.

Waxaa muuqaaneysa in Jose Mourinho xilli ciyaareedka dambe joogi doonin Real Madrid iyadoo dhawaan uu u gacan haatiyay in uu aadayo halka laga jecel yahay , waxaana la tilmaamayaa in kooxdiisa hore ee Chelsea uu dib ugu laabanayo .

Wargeyska Daily Mail ayaa xusaya in Jose Mourinho uu u diyaar garoobayo in uu horay u soo jiito Xavi Alonso xiddiga qadka dhexe ee Real Madrid oo uu doonayo in Chelsea uu la yimaado .

Xavi Alonso ayaa lagu tirayaa ciyaartooyda ugu dhaw ee gacan saarka la leh tababarahaan Jose Mourinho oo dadaalkiisa isugu geynaya in mar kale horyaalka Ingiriiska uu ku soo celiyo balse markaan albaabka Chelsea .

Haddii ay dhacdo in Xavi Alonso arintaan uu ku dhiirado oo uu ku biiro Chelsea waxa uu sababayaa in si weyn ay uga caroodaan taageerayaasha Liverpool oo waqti sii horeeyay sheegay in ay laacibka ku soo dhaweeynayaan garoonka Anfield.

Xiddigaan reer Spain ee 31-sano jirka ah oo Liverpool sanadkii 2005-ta kula guuleystay Champion-ka ayaa dhamaanaya hishiiskiisa kooxda Real xagaaga 20014-ta , waxa uuna illaa iyo haatan diidan yahay in laba xilli ciyaareed uu ku daro hishiiskiisa.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: