Calendar

Xidigaha Xulka England oo loo fasaxay in ay raacaan naagahooda “Sawirro”

RooneyddXidigaha xulka England ayaa loo ogolaaday in ay raacaan naagahood kadib isu diyaaris ku aadan Koobka Aduunka Brazil ay aadi doonaan xagaagan.

Tababare Roy Hodgson ayaa sidoo kale Albaabka u furay in ciyaartoyda ay kula soo biiraan lamaanayaashooda xulka inta uu soconayo Koobka Aduunka Brazil ka furmidoona.

Kaddib marka ay tababar ku sameeyaan Portugal kaasi oo aysan xaasaska iyo saaxibada hablaha aysan joogi doonin, waxa xulka Hodgson uu u duuli doona Florida halkaasi oo kulamo iskululeyn ah ay la qaadan doonaan xulalka Ecuador iyo Hondurs ka hor inta aysan u duulin Magaalada Rio de Janeiro.

Inkastoo Miami iyo Rio ay caan ku yihiin nolasha habeenkii iyo xafalada macaan, hadana Hodgson ayaa go’aan saday in xaasaska ciyaartoyda xulka England ay la safri karaan ciyaartoyda.

“Miami, waxaan kucasuunay in ciyaartoyda xasaskooda ay u raaci karaan halkaas si ay ula joogaan”. Hodgson ayaa sidaasi sheegay.

“Marka Brazil la tagana ma sameyn doono sharciyo adag oo dhibadan”.

article-2569554-13C446B8000005DC-311_634x560article-2569554-04C5CA880000044D-768_634x432  article-2569554-1BE471CB00000578-199_306x487 article-2569554-1BE4C49700000578-67_306x476 article-2569554-1BE2A75100000578-925_634x414 article-2569554-0A3AD45F000005DC-635_634x478

 

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Photos.
« »

Comment: