Calendar

Roberto Mancini Oo Si Kulul U Yiri ” United Nagama Fiicna, Laakin Waa Ay Mudan Tahay Horyaalka Xilligan:

Macalinka kooxda Man City Roberto Mancini ayaa carabka ku adkeeyay in kooxdiisa aysan ka awood yareyn United inkastoo shalay qasaaro ah 3/1 ay kala kulmeen kooxdaTottenham .

Kooxda United ayaa caawa haddii ay ka badiyaan Aston Villa waxa ay City ka saramarayaan 16 dhibic waana farqi weyn oo horyaalka soo afjaraya halka xilli ciyaareedkii hore la soo afjaray cidda qaadeysa koobka maalintii ugu dambeysay ee horyaalka.

” Sheekada sedex ama afar todobaad ka hor ayay dhamaatay , balse Man United kama wanaagsana Man City ” ayuu Roberto Mancini ku yiri wariyaasha ka dib kulankii Tottenham .

” Man United waa mudan yihiin in ay qaadaan horyaalka , maxaa yeelay dibco badan ayaan qasaarin kulamo aysan City mudneen in laga badiyo halka United-na ay gaareen ujeedooyinkooda” ayuu sii raaciyay Mancini.

” Waxaan isku daynay in aan horyaalka qaadno balse ma dhicin , waxaa qasab nagu ah in aan u hambalyeeyno United” ayuu sii raaciyay tababaraha kooxda Man City ee Roberto Mancini .

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: