Calendar

Augustine Mahiga oo kulamo la qaatay madaxda dalka (VIDEO)

mahiiga

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga ayaa waxa uu markii uu yimid maanta xarunta Madxatooyada Villa Soomaaliya kulan kula yeeshay Madxweyanaha Soomaaliya Mudane  Shariif Sheekh Axmed iyo R/wasaare Maxamed Claahi Maxamed “Farmaajo”

Wakiilka gaarka ah ee Xogaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo markii uu soo dhamaaday kualnak uu la qaatay madaxda sar sare ee Dowladda la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ujeedada uu muqdisho u yimid ay tahay sidii uu warqad casuumaad ah uu ugu keeni lahaa madaxda sar sare eec Dowladad si ay uga qeybn galaan Kulankii ugu horreeyay ee wadatashi ah kaasoo dhammaadka bishan ka dhici doono magaalada Nairob  ee xarunta dalka Kenya.

Mr Mahiga mar wax laga weydiiyay muddo kordhinta Xukuumadda Soomaaliya ay soo jeedisay ayuu tilmaamay in arintaasi ay qeyb ka tahay waxyaabaha looga hadli doono kulanka lagu qabanayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale R/wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” oo isna la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo 7-sano ah ku soo jirtay marxalad KMG ah islamarkaana aan loo baahneyn waqtigan KMG, maadaama aysan waxbadan ku qabsoomin howlihii loo qoondeeyay mudadaasi.

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo wafdigii la socday ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo Augustine Mahiga uu xaqiijiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo dhoweeyay Kulanka lagu qabanayo Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya islamarkaana diiradda lagu saarayo wadatashiga ku aadan marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.

___

Radio Muqdisho

Comments

comments

Category : VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: