Calendar

Banaadir FC oo ku guulaysatay koobkii Ramadaanka

Waxaa Taariikhdu markey aheyd  09/09/2011 magaalada Jeddah Boqoqrtooyada Sacuudi Carabiya lagu soo gabagabeeyey Tartankii Taariikhiga ahaa ee koobka ramadaanka tartankaasoo uu furmey 3dii bisha barakeysan ee ramadaan kana soo qeybgaleen 12 kooxood

Iyadoo ciyaartii kama dambeysta aheyd ee Finalka isugu soo harey labada Kooxood ee kala ah Xiddigaha Ruweys iyo Kooxda BanaadirFC .hadaba hadaan xusuusta dib ugu laabano ciyaartaasoo horey loo soo ciyaarey oo ay isku mari waayeen labada kooxood oo barbardhac noqdeen ayaa ayaa mar labaad lagu balansanaa iyadoo ay xusid mudan tahay inay Ciyaartaasi ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha  Dhalinyarada Isboortiga Cabdow Maxamed Yuusuf iyo  Ciyaaryahanadii berisamaadkii wadanka ka ciyaari jirey oo qaarkood ku nool Magaalada Jidda qaarna ka kala yimid Dibadda waxeyna kala ahaayeen Ciyaaryanah Faarax Goobe – Ganjab iyo Xuseen sheikh – Salaax Baajaabir – una ciyaari jirey Kooxihii Wagad (FIAT) iyo Maxamed Muslimiini – Ciyaaryahanada kala ah  – Siid Cali (AJKA) – Yaaquub Axmed – Cali Cambuulo – Cali Baashi – Nuur Bini – oo aad wada taqaanaan .

Ciyaartaa soo runtii dadweynihii daawaanayey ay aad u raali gelisey iyagoo ku faraxsan jawi ciyaarta niyadooduna kusoo dhacdey inay ama xusuusteyba ciyaartoydoodii berisamaadkii wadanka ka ciyaari jirey  iyo sida ay u ciyaari jireen .

Hadaba bilowgii ciyaarta waxay labada kooxoodba ay halkaasi kusoo bandhigeen ciyaar raali gelisey dhamaan dadweynihii daawanaayey iyadoo ay ciyaartu aheyd mid weerarkeeda iyo difaaceeduba isku miisaanaa wallow qeybta hore miisaanka dhinaca weerarka ciyaarta ay aad ugu sareeyeen kooxda Xiddigaha Ruweys.



Hadaba markii leysugu soo laabtey qeybta dambe ee ciyaarta ayey misna miisaankii ciyaarta halkiisa ka sii socdey iyadoo ay u muuqatey kooxda reer Banaadir ay iyagana markooda muujiyeen ciyaar inkastoo difaaca Xiddigaha Ruweys ay jilibka u dhigeen , iyadoo ciyaarta ka harsaneyd 7 daqiiqadood ayaa weerar farsameysan oo ay soo qaadeen kooxda BanaadirFC ay u suurto gahsey inay halkaasi gool qurux badan uu u dhaliyey Ciyaaryahanka lagu Magacaabo  Gamuud  oo ay dhalashadiisu tahay wadanka Jaad (CHAD ).

Ciyaartiina waxey dhamaatey 1 : 0 oo ay guusha ku raacdey Kooxda Banaadir waxaana halkaasi koobkii ku gudoonsiiyey Ciyaaryahanada kala ah Faraax Goobe iyo Ciyaaryahan Ganjab oo wada jira .

Hadaba waxaa la ilaawi Karin maamulka kooxihii kasoo qeyb galey tartanka koobka ramadaanka khaasatan kooxihii isugu soo harey ciyaarta kama dambeysta ah hadaan kasoo qaadano sida Guddoomiye Maxamed  Yuusuf ( Guunyo) iyo Tababare Faarax Yaanyo  iyo oo ka soo jeeda qoys isboorti iyo Guddoomiye Cumar Kubri iyo Tababare Maxamed Macalin Yuusuf (Isbuunyo)

Runtii ciyaartaasi waxey aheyd mid mahadho ah oo dadweynaha reer Jidda ay ku xusuusteen waayihii ay ciyaari jireen Ciyaaryahanada Cuslaatey .

Guntii iyo Gebagebadii waxaa halkaasi ereyo gaaban ka soo Jeediyey Guddoomiyaha Bahda Isboortiga ee Jaalliyadda Somaaliyeed Magaalada Jidda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Md. Maxamed Aweys Axmed isagoo ku booriyey Dhalinyada Isboortiga inay Halkaasi ka sii wadaan Dadaalkooda ku aadan Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed .

C/llaahi dayax




Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured.
« »

Comment: