Calendar

Ciidamada Itoobiya oo howlgalo baaritaana ah ka sameeyay Deegaanka Kala-Bayr.

askartaBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Itobiya ayaa manta waxa ay si rasmi ah u bilaabeen holw-galo baaritaano ah kuwaasi oo ay gaadiidka ku baarayaan deegaanka Kala-Bayr ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa tilmaamaya in deegaanka kala-Bayr ay ciidamamada Itoobiyaanka ah ka wadaan hol;waha baaritaanada ah kuwaasi oo ay ku baarayaan gaadiidka ilaa saddex gobood oo ka fog.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa dhaqdhaqaaqyo la mid ah midka kla socda kala-Bayr waxa ay ka wadaan tuulooyin ku dhow magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan iyagoo isku fidiyay buuraha ku teedsan deegaanka Jawiil oo 20 Km u jirta magaalada Beledweyne, lamana garanayo inay halkaasi ku sii sugnaan doonaan iyo inay u soo baqooli doonaan qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan,  

Xaalada gobolkaasi ayaa laga dareemayaa kacsanaan iyadoo gaadiidleyda isku baaqayaan xiliga ay marayaan wadooyinka deegaanada ay itoobiyaanka ku suganyihiin.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: