Calendar

Al-qaacida oo shaaca ka qaaday in xiriir ay la leedahay kooxda Alshabaab ee dalka soomaaliya.

usamaBartamaha(Muqdisho):-Shiikh Mustafa Abu Al-Yazid Amiirka Shabakada Al-qaacida ee dalka Afghanistan oo la hadlayay Telfishinka Al-jazeera ayaa daboolka ka qaaday in xiriir rasmi ah ay la leeyihiin kooxda alshabaab ee dalka soomaaliya ka dagaalanta.

Amiirka Al-qaacida ee Afqaanistaan Shiikh Mustafa Abu al-Yazid ayaa sheegay in ay u direen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab dagaal yahano iyaga ka socda kuwaasoo wax badan ku saacidey tababar wanaagsana siiyey, wuxuuna intaasi ku daray in saraakiisha ay u direen dalka Soomaaliya uu ka mid yahay Abuu-Dalxa Al-suudaani oo ku dhintey dagaaladii ka dhacay Soomaaliya muddo sanad ka hor ah iyo xubno kale oo fara badan kuwaas oo weli ku sugan gudaha Soomaaliya.

Sheekh Mustafa Abu Al-Yazid oo la waydiiyay sababta ay taageerada intaasi la eg u siinayaan shabakadda Al-qaacidah ayuu sheegay inay taasi waajib tahay maadaama Muslimiinta oo dhan ay walaalo yihiin meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna intaasi ku daray inkastoo aysan weli suurta gelin in Shabaabka maamulkooda si toos ah loola mideeyo Al-qaacida haddana ay taageeraan dhan kasta ayna ka warqabaan.

Shiikh Mustafa Abu al-Yazid ayaa xilli uu ka jawaabayay waxa ka jira in ay dilka ugu xukumaan xubnaha isaga baxa Al-qaacida ayuu yiri taasi waa been laakiin qofka naga baxa waa dambiile, sababta oo ah cahdigii uu nala galay ayuu ka baxay, wuxuuna intaasi ku daray in qofka Mu’minka uusan ka bixin cahdiga, balaln ka bixiddana ay ka mid tahay calaamadaha lagu yaqaano Munaafaqiinta.

Waa markii ugu horeysay ee alqaacida ay si toos ah daaha uga qaado in ay alshabaab xiriir ay la leedahay wallow ay jirteen shakiyo arintaasi la xiriiray oo ay ka qabeen wadamada reer galbeedka kooxda dhaliyarada alshabaab.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: