read more »">
Calendar

C/shakuur Cali Mire oo u jawaabay Cali Maxamed Geedi

c.shakuur-cali-mire-1Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya C/shakuur Cali Mire ayaa ku tilmaamay eedayntii kasoo yeertay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya inay tahay wax laga xishoodo.

Wuxuuna ku tilmaamay eedaymahaas inay yihiin been abuur ay samaysteen siyaasiyiin u ku sheegay inay dhibaato u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

isagoo ka hadlayay waxyaabaha xukuumada lagu eedaynayo oo ay kamid tahay inay khasaarisay fursad qaali ah oo shacabka Soomaaliyeed soo martay ayuu tilmaamay in dawlada Soomaaliya ay horumar muuqda gaarsiisay dalka intii yarayd ee ay dhisnayd.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay shir ka dhacay magaalada Nairobi ayaa ku tilmaamay dawlada haatan jirta inay ku guul darraystay hawlihii loo igmaday isagoo dalbaday inay meesha banneeyaan hadii ay fulin waayeen himilooyinkii looga fadhiyay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: